Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed) - Maxamed Baashe X Xasan - Böcker - Garanuug Limited - 9780995753396 - 1 november 2020
Om omslag och titel inte matchar är det titeln som gäller

Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed)

Maxamed Baashe X Xasan

Pris
SEK 419

Beställningsvara

Förväntad leverans 2 - 12 jul
Lägg till din iMusic-önskelista

Hal Tisqaaday, Halabuurkii Cali Sugulle (Duncarbeed)

Buuggu waxa uu ka kooban yahay halabuurkii Cali Sugulle ee dhawr xilli oo xidhiidhsanaa iyo sooyaalkiisii qofnimo. Marka laga yimaaddo barbaaritaankiisii, waxbarashadiisii, noloshiisii qoysnimo, iyo shaqooyinkii uu soo qabtay markii uu dugsiga Sheekh ka baxay, waxaa qaybaha hore ee buugga ibafurkiisu xambaaray tisqaadkii halabuurka Cali Sugulle iyo jaadgoonnimadiisa; isaga qof ahaan iyo halabuurkiisa iyo baadisoocda u gaarka ah oo ay ka xogwarramayaan dad kala duwan oo Cali iyo halabuurkiisa aqoon durugsan u wada lahaa ama halabuurkiisa uun ku koobnaa oo halkaa Cali ka bartay.




Ka dib, waxaa raacaya halabuurkii afar xilli oo dhacdooyin waaweyn iyo isdiiddooyin kakani ka ilmo-rogteen dhulalka Soomaalida ee Geeska Afrika: xilligii gobannimo-doonka, xilligii xukuumadihii rayadka ahaa, xilligii Tawradda, iyo xilligii burburka.




Waxaa gaar ah oo buugga ku jira 13 riwaayadood oo uu Cali Sugulle halabuuray afartaas xilli intii u dhexaysey iyo riwaayad uu dhawr abwaan oo kale la allifey, iyada oo riwaayad kasta marka ay ugu yaraato la helay ujeeddadii uu Cali samaynteeda ka lahaa iyo dhawr dheeg oo ka mid ah, marka laga reebo labada riwaayadood ee Indhasarcaad iyo Kala Haab Kala Haad oo buuggu xambaaray iyaga oo sheekooyinkoodii dhammaystiran yihiin.




Cali Sugulle iyo halabuurkiisu waa badweyn lagu hafanayo, lagana qori karo tobannaan buug oo xaglo kala duwan laga eegi karo. Buuggan Hal Tisqaaday waxa uu laangooyo u yahay buugaagtaas Cali Sugulle laga qori karo.

Media Böcker     Inbunden Bok   (Inbunden bok med hårda pärmar och skyddsomslag)
Releasedatum 1 november 2020
ISBN13 9780995753396
Utgivare Garanuug Limited
Antal sidor 546
Mått 152 × 229 × 35 mm   ·   966 g
Språk Somaliska  

Visa alla

Fler produkter med Maxamed Baashe X Xasan